Somali News

Madaxweyne Xaaf oo xalay Cadaado kula kulmay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Cadaado-KNN-Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug  oo mudo Sanad iyo Bar ah ka maqnaa Magaalada Cadaado ayaa xalay lagu soo dhaweeyay Magaaladaasi.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee laga soo doortay Magaalada Cadaado iyo Madaxweyne Xaaf ayaa xalay kulan gaar ah waxaa uu ku dhexmaray Madaxtooyada Magalada Cadaado, iyaga oo ka wada hadlayay waxyaabaha kusoo kordhay xaalada Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Godinlabe ayaa shalay waxaa uu tagay Magaalada Cadaado, isaga oo wata gaadiidka Dagaalka.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa hal sano iyo bar saldhig u aheyd Magalada Dhuusamareeb, kadib markii uu isaga soo guuray Magaaladaasi, kadib markii ay is khilaafeen Madaxda Ahlusunna eek u biiray Galmudug oo heshiis la galay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in maanta lagu wado in magaalada Cadaado ay kulamo  ku yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, odayaasha dhaqanka iyo madaxweyne Xaaf.