Uncategorized

Madaxweyne Xaaf oo xayiraadda ka qaaday Garoomada diyaaradaha ee Galmudug.

Cadaado-KNN-Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa Xayiraadda looga qaaday Garoomada Diyaaradaha ee deegaanada Galmudug oo dhawaan laga joojiyay dulimaadka diyaaradaha kadib markii uu saameyn ku yeeshay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulkaasi.

Afayeenka maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax oo wareysi siiyay Idaacadda kulmiye ayaa sheegay in ay maanta soo dhamaatay Xayiraadii saarneed Garoomada Diyaaradaha ee deegaanada Galmudug wixii maanta ka danbeeyana ay ka soo dagi karaan Diyaaradaha rayidka oo maalmihii la soo dhaafay mamnuuc ka aheyd.

Galmudug ayaa sheegtay in ay xaalad amni darteed Xayiraadda loo saaray Garoomada diyaaradaha ee deegaanada Maamulkaasi balse hada la xiliyay arintii ka liftay in la xiro Garoomada Duulimaadka ee Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd Markii Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” uu mamnuucay in Shirkadaha Rayidka ah ay duulimad ka sameeyaan deegaanada Maamulkaasi kadib markii uu sii xumaaday Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug.