Cadaado–KNN– Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hor yimid Warkii ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug Dr Yaxye islamarkaana ahaan in Madaxda Maamulka Galmudug Dhamaantoot Xilka laga qaaday oo hadda Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug uu Xilka sii haynayo inta Hogaan Cusub laga soo dooranayo.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aysan jirin wax Maxkamad Sare ah oo Galmudug ay leedahay islamarkaana warka ka soo baxay Mas’uulka sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug uu yahay been abuur iyo waxba kama jiraan.
“Madaxweynaha Galmudug waa aniga Galmudug wali ma yeelan Maxkamad Sare oo Sharci ah,marka Maxkamad aan sharci aheyn warkeeda Sharci ma noqon karo”ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Khilaafka u dhexeeya Hay’adda Dowliga ah ee Maamulka Galmudug ayaa gaaray halkii ugu Xumaa,waxaana Maalinba maalinta ka dambeysa Galmudug ka soo baxaya Wareegtooyin iyo Go’aano kala duwan.