Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Belgium

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.