Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaarey dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.