Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Jubaland Axamed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Maamulkaasi.
Shirka ayaa waxaa lagaga arrinsaday dib u xorenta deegaanada ku jira gacanta Al-shabaab iyo sidii loo billaabi lahaa howlgallo.
Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar galinta wejiga labaad ee howgalka ka billaabanaya deegaanada Jubaland iyo Koonfur-galbeed, kaasi ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad-goboleedka Jubaland, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.