Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Golaha Wasiiradda uga warbixiyay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud m ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Al-shabaab.

Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, sida Ciidanka Xoogga diyaar ugu yihiin Howlgalkaasi.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Golaha ku dhiirageliyey dadaalladda ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.