Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcaha kula Oogay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay amniga iyo kaalinta shacabka Soomaaliyeed ay ka qaateen howllgaladda ka socda dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay howlgallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida kula dagaalamayaan Al-shabaab.