Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna, iyadoo dhanka kale la riday Buula-layr loogu dabaal-dagayay munaasabadda qiimaha wayn ku leh dadka Soomaaliyeed

1-da Luuliyo ayaa ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo maanta lagu wado inay dalka ka dhacaan munaasabado lagu wayneynayo maalintan qiimaha leh.