Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo timaamay in Soomaaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.
“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Dalladdan. Soomaaliya waxa ay dhowaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.