Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda IGAD

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga Hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobolku, kuwaas oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada iyo colaadaha.

“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan”.

Shirka inta uu socday, waxa ay Madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkaas Mudane Cabdulfataax Alburhaan oo dul istaagay waanwaanta IGAD ee ku aaddan dagaalka dalka Suudaan, taas oo dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal u helista dagaalkan ee heer IGAD.