Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir caalami ah oo ka dhacaya dalka Norwey

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa wadahallo laba geesood ah la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway.