Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Khadiijo Diiriye

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq insaanka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku yiri:

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo waxay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradu kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.

Alle ha u naxariisto Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, hoygeedana haka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna haka siiyo qaranka Soomaaliyeed, qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay.