Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Gudigga abaaraha dalka.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan looga hadlayay xaaladda abaaraha dalka la qaatay  guddiga abaaraha qaran.

madaxweynaha JFS ayaa gudigga abaaraha ka dhageeystay xaaladaha guud ee abaaraha dalka iyo degaanada ugu badan oo ay haatan ka jiraan abaaruhu.

Guddiga abaaraha ayaa la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya xaalada guud ee abaaraha dalka ka jirra, iyagoona isla gartay in si wadajir ah wax loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen.

kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo gudigga abaaraha ayaa kusoo aadayo xili Hay’adaha gargaarka Oxfam iyo Save the Children ay sheegeen in 48-dii ilbiriqsiba laga yaabo in hal qof uu ugu dhinto gaajo ba’an oo ka dhalatay dagaallada, isbeddelka cimilada iyo qiimaha cunnada ee sii kordhaya dalal ay kamid tahay Soomaaliya.