Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isaga oo uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Carabta oo si cad u taageeray amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay Baarlamaanka Jamaacadda Carabta waxaa Akhriyay Xildhibaan Jaamac Askar oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya