Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Siyaasiyiinta Koofur Galbeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay war bixin ka siiyay dagaalka Al-shabaab, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay.