Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka Galmudug kala hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud oo maalmahan ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii beelaha deegaanka uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.