Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Mareykanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.