Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Bayaankan ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu uu xeer madaxweyne uu sii-hayaha xilka guddoomiyaha Jaamacadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

“Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal .” ayaa lagu yiri bayaankan.

Ma cadda sababta xil ka qaadista Mahad-Allah oo Arbacadii lasoo dhaafay sameeyay isku shaandheyn dhinaca agaasimeyaasha ah.