Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhowaaqay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd ku dhowaaqay ra’iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ra’iisul-wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul-wasaare Xamse ayaa magacaabistiisa kaddib sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isagoo sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalkana nabad ku soo dabaasha, waxna ka qabata Amni darrada.