Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo mas’uuliyiin cusub magacabaay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xasan Macalim, jagadiisi oo uu horre u hayay Fahad Yaasiin.