Uncategorized

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Nairobi kula kulmay Xildhibaano, Wasiir, iyo Siyaasiin.

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, waxa uuna kulan la qaatay Siyaasiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la kulmay Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ka mid ah Senator Abshir Bukhaari oo ah guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare, xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale la sheegay in uu la kulmi doono tiro kale oo Xildhibaano ah iyo Siyaasiin xilal ka soo qabtay Soomaaliya oo dhamaantood ku sugan Dalka Kenya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee socdaalka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha ayaa dagan Dalka Tanzania oo daris la ah wadanka Kenya.