Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo shaaciyay in laga helay Covid-19

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo baaritaan caafimaad lagu sameeyay ayaa laga helay Xanuunka Covid-19.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad ayaa sheegay in uu hadda wanaagsan yahay, isla markaasna uu sii wadi doono howlahiisa.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.

Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.
Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna.
Allaa mahad leh.”.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maanta ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo uu kulamo kula qaatay Madaxda sare ee wadankaasi.