Cadaado-KNN-Maxamed Xaashi Cabdi Carabay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaanada Gobalada Galgaduud iyo Hiiraan.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxaa uu beelaha ku dagaalamaya deegaanka kaxandhaale iyo degmada Maxaas ka dalbaday in ay si deg deg ah u joojiyaan Colaada xiligan ka taagan deegaankaasi.
Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee lagu xalinayo dagaal beeleedka ka dhex aloosan deegaanka Kaxandhaale iyo Degmada Maxaas, isagoona sheegay in haatan wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu kala dhex gali lahaa maleeshiyaadka dagaalamaya.
Dagaalkii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale iyo Degmada Maxaas ayaa waxaa ku dhintay dad Tiradooda lagu sheegay ku dhawaad Sodomeeyo, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.