Somali News

Madaxweyne xigeenka Puntland oo ku wajahan Sool.

Garoowe-KNN-Wararka ka imaanaya Gobalka Sool ayaa sheegaya in madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu Maanta  ku wajahan yahay aaga hore deegaanka Tukeraq ee Gobalkaasi.

Madaxweyne Karaash oo si weyn loogu xusuusto inuu ku sugnaa furimaha dagaalka Tukaraq bilowgii sanadkii dhammaaday ee 2018 isagoo wasiir ah ayaa waxaa lafilayaa inuu kormeero saldhigyada ciidamada Puntland ee aaggaasi.

Wararku waxay sheegayaan in Karaash uu ciidamada u geyn doono sahay muhiim ah.

Amaanka deegaanka Tukeraq ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona ay diyaar xoogan ku jiraa ciidamada amaanka ee Puntland