Somali News

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta kulan yeelanaya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeesheen magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti. .

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadli doono xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ku sugan Ciidamo aad u fara badan oo ka socda kuwa dowladda Jabuuti, iyagoona  xiligan ka howlgala Deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.