Somali News

Madaxweyneyaashii hore Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay  in ay in uu “mira dhali waayey” dedaal ay ku dhexdhexaadinayeen Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid cabdullaahi Deni.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu soo dhigay boggiisa Facebook.

Nuqul kale oo isla qoraalkan ah ayaa lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa jiray dhexdhexaadin ay ka odayeynayeen labadan madaxweyne ee hore oo ku aadanaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland.