Somali News

Madaxweynihii 28-ka sano soo xukumayey Tajikistan oo mar kale guul qarka u saaran

Muqdisho-KNN-Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha dalka Tajikistan Emomali Rahmon la ogaaday in natiijo wanaagsan uu ka heysto doorashooyin Axadii shalay ka dhacay dalkaas.

Sida ay weriyeen xubno ka tirsan xisbiga muxaafadka 90% codadka dadwayanaha ayuu madaxwayne Emomali helay, iyadoo ay natiijadaan noqonayso mid maalmihii lasoo dhaafay lasii saadaalinayay.

Sidoo kale warbaahinta gudaha dalkaasi oo soo xiganaya qaar kamid ah hoggaanka gudiga doorashooyinka ayaa waxaa ay warinayaan in ay u xaqiijiyeen 90.9 boqolkiiba in madaxwayne Emomali ay u codeeyeen, taasina ay u ogolaanayso in todobo sano oo cusub uu dalkaas Tajikistan hoggaaminyo.

Madaxwaynaha guusha loo saadilanayo ayaa 2016-kii waxaa uu dib u habayn ku sameeyay dastuurka dalkiisa, isagoo ka saaray qodobada xadidaada inta jeer ee qofka uu isa soo sharaxi karo, waxuuna xukunka dalkaas qabtay sanadkii 1992-kii.