Uncategorized

Madaxweynihii hore ee Brazil oo dhuumaaleysi ku jira

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Lula da Silva ayaa ku dhuumaaleysanaya dhismo ku yaalo magaalada uu ka soo jeedo ee ka baxsan Sao Paulo, kadib markii lagu amray inuu isku soo dhiibo ciidammada booliska ee dalkaasi.

Mr Lula oo  da`adiisu ay caga cageyneyso 72 sano jir ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, maadaama lagu helay eedo musuqmaasuq iyo ku tagri fal awoodeed.

Qareenadisa ayaa la sheegay in Booliska ay kala hadlayaan sidii uu Lula isu soo dhiibi lahaa. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Lula uu doonayo inuu booliska isu soo dhiibo maalinta sabtida.

Siyaasigan ayaa horay ugu gacan seeyray amar maxkamadeed oo dhigayay in maalinta Jimcaha u booliska isku soo dhiibo.

Kumanaan taageerayaashiisa ah ayaa isugu soo baxay banaanka dhismaha uu Lula Da Silva ku jiro.

Mid kamid ah dadka isu soo baxay ayaa sheegay in haddi boolisku ay isku dayaan inay xiraan Lula aysan u suurtagelyn.

Saraakisha ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweynihii hore aan loo arkin qof baxsad ah, sida dadka qaar ba ay moodeen.

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil, Lula waxaa uu aaminsanyahay in xukunka ka dhanka ah isaga uu yahay mid siyaasadeysan.

Lula ayaa sidoo kale ku doodaya in tallabaadani ay tahay qorshe lagu doonayo in lagaga hor istaago qorshaha uu ku doonayo in markale uu u tartamo xilka madaxtinimada ee dalkaasi oo uu sheegay inuu ku guuleysanayo.

Qareenada Lula ayaa ku guul dareystay dadaalo ay ku doonayeen in Lula ay kaga badbaadiyaan xabsiga, daqiiqada ka hor xilligii kama dambeysta ah ee loo qabtay inuu isku soo dhiibo booliska.