Somali News

Madaxweynihii hore ee Colombia oo xukun adag lagu riday

Muqdisho-KNN-Maxkamadda sare ee dalka Colombia ayaa ku xukuntay madaxwaynihii hore ee dalkaasi Alvaro Yureeb xabsi guri, kadib eedo kala duwan oo loo haystay.

Alvaro Yureeb ayaa lagu soo eedeeyay khiyaano Qaran, intii uu dalka xukumayay.

Go’aanka midaysan ee maxkamadda sare laga soo saaray dabayaaqadii Talaadadii shalay ayaa lagu sheegay in garsoorayaashu heleen “halisyo suurtagal ah” oo caqabad ku ah caddaaladda, iyagoo sii wadaya dacwadaha loo haysto madaxweynahii hore oo la xiriira wax is daba marinta.

Garsooreyaasha ayaa shacabka u diray fariin la xiriirta cid kastaa oo laaluush waydiisata inay ku soo wargeliyaan xafiisyada dowladda, si musuq maasuqa loo xakameeyo.

Dowladda Colombia ayaa kamid ah dowladdaha caalamka kuwooda ugu masuq maasuqa badan, horayna isla maxkamadan ayay kasoo muuqdeen madax xilal kala duwan wadankaasi kasoo qabatay.