Somali News

Madaxweynihii hore ee DDS oo Maanta Cafis dalbaday.

Muqdisho-KNN-Cabdi Maxamuud Cumar  Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka dalbaday inuu cafiyo isaga iyo dadka  la xiran.

Madaxweynihii hore ayaa maanta hadalkan ka hor jeediyay, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka codsaday  in isaga iyo dadka kale ee  la xiran laga gaarsiiyo codsigooda  ra’iisul wasaaraha Itoobiyaha, islamarkaana uuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro.

Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban maalmood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

Lama oga Go’aanka uu qaadan doono R/Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kaasi oo ku aadan cafiska uu weydiistay madaxweyhihii Hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida  Cabdi Maxamuud Cumar.

Waa markii seddexad oo maxkamad  la horkeenay Madaxweynihii hore ee Dowlada Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xubnaha kale ee la xiran ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dhibaato badan u geysteen shacabka ku nool dhulka Dowlad Degaanka Soomaalida.