Muqdisho-KNN-Diid Mahad Colow oo ah Hooyada Dhashay Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee DDSI ayaa waxaa ay sheegtay inuu madaxweynaha uu ku xanuunsanayo saldhiga uu ku xiran yahay oo ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI oo muuqaal laga soo duubay ayaa waxaa ay shacabka ugu baaqday in arimahaasi wax badan laga qabto,iyadoona sidoo kale sheegtay in shacabka looga baahan yahay in ay cafiyaan Cabdi Naxamuud Cumar,maadaama dhibaayooyin badan xiligan ay soo wajaheen.
Madaxweynihii Hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa lagu xeray Eedeymo ay ka mid yihiin ku tagri fal awoodeed iyo dhibaatooyin dad shacab ah loogu geystay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.