Somali News

Madaxweynihii hore ee Farmaajo “wax ka badelka dastuurka waxaa loo baahan yahay wada tashi”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Federaalka ku dooneyso in isbadal lagu sameynayso Isbadalka lagu sameynayo Dastuurka dalka.

Qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ayaa waxaa ku yiri

“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan” ayuu yiri madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri.

“Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.Waxaan garow sannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya” ayuu yiri Farmaajo.