Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa waxa uu ka hadlay Ciidamo la geeyay magaalada Dhuusamareeb
Waxa uu sheegay in uu ka baqdin qabo xaaladda ka taagan Galmudug oo u sheegay in aysan wanaagsanayn
Waxa uu intaa ku daray in Galmudug aysan maanta uga baahnayn Dawladda Soomaaliya in ay ku daabusho Ciidamo fara badan,balse looga baahan yahay Ciidamada in lagu sugo amniga magaalada Muqdisho
Waxa uu sidoo kale sheegay Cabdikariin madaxweynihii hore ee Galmudug in Dhuusamareeb ay u baahan tahay maskax lagu maamulo oo aysan u baahnayn Ciidamo lagu daabulo uuna ka baqdin qabo in xaaladda Galmudug ay kasii fogaato halka ay maanta joogto isla markaasina uu dagaal ka qarxo
Isagoo Dawladda Soomaaliya arrimahaas uga digay in ay dib uga fiirsato
Hadalkan madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kusoo beegmaya, xilli uu khilaaf hor leh soo kala dhex galay Dawladda Soomaaliya iyo ku Ahlu Sunna, ka dib markii ay Ahlusunna ku dhawaaqday in ay ka laabteen heshiis ay kala galeen Dawladda Soomaaliya