Somali News

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay dhacdadii Gaalkacyo baana u diray Koonfur Galbeed

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xasuuq wadareed xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay dad Soomaaliyeed oo gaaraya 10 ruux.

Cabdikariim Guuleed oo bartiisa Facebook kusoo daabacay qoraal uu kaga hadlayo arintaas ayaa waxgaradka, mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyo maamulka Galmudug waxa uu ugu baaqay in ay kasoo qabtaan cadaaladana mariyaan dadkii geystay falkii xalay ka dhacay Gaalkacyo.

“Waxaan canbaareynayaa dilalka foosha xun ee labada waji leh ee loogeystay dad gaaraya ilaa 10 qof ee caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuwaaas oo loo geystay dadka aan waxba galabsan, waxaan waxgaradka iyo masuuliinta reer Gaalkacyo iyo Galmudugba u soo jeedinayaa uguna baaqayaa inay dadkii dilkaasi geystay soo qabtaan cadaaladdana hor keenaan, marna sax ma aha in dhib dhacay loo aaneeyo dushana laga saaro gowmiyad iyo dad Soomaaliyeed ee meel daga. 
Waxaan dadka kale ee reer Koofur Galbeed u soo jeedin lahaa inay is dajiyaan dulqaadna muujiyaan.
Alaha u naxariisto intii ku dhimatay mashaqadaas, sabir iyo iimaana eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeena rabi ha ka siiyo”.