Somali News

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka war bixiyey kulan uu la qaatay Qoor Qoor

Istanbuul-KNN-Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa faah-faahin ka bixiyey kulan uu magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kula qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor ay ka wadahadleen xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hor yaalla.

Sidoo kale Cabdikariin Guuleed waxa uu sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu ku boggaadiyey howlihii uu mudada kooban ka qabtay deegaanada Galmudug, isl markaana uu ku dhiiri-galiyey in uu lasii labo jibaaro.

“Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb-3” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed.

Qoraalkiisa ayaa intaas ku siiday “Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda.”