Jowhar-KNN-Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid ah musharaxiinta u tartamayo Kursiga Xildhibaanimo ee Golaha Shacabka ee yaalla Magaalada Jowhar ee xurunta maamulka Hirshabeele.
Kursigaan ayaa waxaa baneeyay Maxamed C/llaahi Sanbaloolshe ka dib markii looo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka ee Soomaaliyeed.
Waxaa hada ku tartamaya ilaa lix musharax:-
1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
2- Cali C/llaahi Cosoble
3- Dahir Cabdulle Cawaale
4- Nuur Iidow Beyle
5- Dahabo Xasan Axmed
6- Xuseen Axmed Geelle
Maalinta Beri ah ayaa si rasmi ah Magaalada Jowhar waxa lagu wadaa iney ka qabsoonto doorashada Kursi ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha shacabka ee deegaanada Hirshabeelle, waxaana Magaalada Jowhar gaaray musharaxiin doonaya iney kursigaan ku tartamaan.