Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore Maamulka Hirshabelle Cali CabdullaahI Cosoble oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay Dagaal beeleedka ka taagan Duleedka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Cosoble ayaa waxaa uu dhinacyada dagaalamaya ka ugu baaqay in ay si deg deg ah u soo afjaraan dagaal beeleedka, islamarkaana la damiyo colaada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in ay ku baxaan goobaha uu dagaalka ka dhacay, islamarkaana ay damiyaan xiisada u dhexeysa maleeshiyaadka.
Dagaalkii ka dhacay duleedka Degmada Maxaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay duleedka Degmadaasi.
Waxaana xusid mudan inay haatan ay soconayaan dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan duleedka degmada Maxaas, waxaana Arintaasi qeyb ka ah Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.