Uncategorized

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle oo Maanta tagay Magaalada Baledweyne

Baledweyne–KNN–Madaxweynihii dhawan xilka ay ka tuureen  Baarlamaanka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble walina Ku adkeysanaya inu yahay Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa goor dhow  gaaray Magaalada Baladweyne.

Safarka Cali Cabdulahi Cosoble oo aha mid aan horey loo sii shaacin ayaa ilaa hadda la ogeyn ujeedka safarkiisa.

Socdaalka Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku soo aadaya Xilli Odayaal ka tirsan Dhaqanka Gobolka Hiiraan ay sheegeen  in ay sameysanayaan Maamul ka madax banaan Hirshabelle.