Somali News

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Waare oo loo doortay ku xigeenka Xoghayaha ururka IGAD

Madaxweynihi hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa loo doortay ku xigeenka Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa meelmariyay codsi dowladda Soomaaliya ka yimid oo ahaa in Maxamed Cabdi Waare noqdo ku xigeenka Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Madaxweynihi hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Soomaaliya ku matali doono xilkaan, waxaana doorashadiisa ku soo aadeysa xilli Madaxda IGAD ay ku shireen magaalada Jabuuti.