Somali News

Madaxweynihii hore ee Khaatumo oo ku baaqay in gobollada SSC ka tashadaan Soomaaliya inteeda kale

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadalay sida uu uga gaabsaday su’aashii doorashada aheyd ee laga weydiiyey gobollada Sool iyo Sanaag madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cali Khaliif ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Soomaliya uu ka filayey inuu maamul uu u dhiso gobolladaasi, balse ay lama filaan ku noqotay hadalka u bixiyey.

Isagoo sii hadlayey ayuu tilmaamay in jawaab la’aanta madaxweyne Farmaajo kadib gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan waxba u oolin Xamar sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Sool,Sanaag iyo Cayn in ay hadda wixii ka dambeeya ay ka tashadaan aayahooda.

Hadalkaan ayaa waxa uu jawaab u yahay su’aal la weydiiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ku saabsaneyd arrimo la xiriira gobollada Sool iyo Sanaag, taas oo uu ka gaabsaday madaxweynuhu, taas oo inta badan ka xumaadeen masuuliyiin iyo bulshada Soomaaliyeed qaar ka mid ah.