Somali News

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo xukun lagu riday

Maxkamadda dastuurka ee Koonfur Africa, ayaa maanta oo talaada ah la filayaa iney soo saarto go’aan danbi, kaasoo ah inuu quursadey Madaxweynihii hore Jacob Zuma ee dalkani maxkamad.

Maxkamadda ayaa ka baaraan dageysa in Zuma lagu ciqaabayo iyo in kale ku gacan seyridda yeeritaan maxkamadeed oo aheyd inuu kasoo hormuuqdo,

Guddoomiyaha guddiga sida gaarka ah uggu daba jira, ayaa baarayey eedeymaha ay usoo jeedisay maxkamadda, iyagoo uggu danbeyntii ku dhawaaqey in Zuma lagu helay danbi ah inuu quur sadey maxkamad, sidaasi darteedna ay ku xukumeen laba sano.

Tan iyo intii uu is casiley sanadkii 2018-kii, Zuma ayaa isaga daba laalaabanayey maxkamad, taasoo kusoo oogeysay eedeymo la xiriira musuq maasuq, in kastoo uu isagau iska diidey