Somali News

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka tacsiyeeyay geerida marxuum Qanyare

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid marxuum maxamed Qanyare oo saakay ku geeriyooday Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheikh oo bartiisa Facebook-ga kusoo qoray qoraal kooban ayaa yir, “Waxaan tacsi murugo leh u dirayaa xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare iyo dhammaan reer Qanyare Afrax meel kasta oo ay joogaan geerida ku timid Md. Maxamed Qanyare Afrax oo saaka ku geeriyooday Muqdisho.
Marxuumka wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dalka soo maray muddo waliba duruufuhu adkaayeen.

Ilaahey ha u naxariisto marxuumka. Dhammaan dadka Soomaaliyeedne Sammir iyo iimaan”.