Uncategorized

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo loo diiday dal ku galka Mareykanka.

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa loo diiday Dal ku galka wadanka Mareykanka isagoo la filaye in uu qudbad ka jeediyo Shirka Hormarinta Afrika ee ka dhacaya jaamacada Harvard.

Xasan Sh. Maxamuud ayaa martiqaad ka helay “ World Affairs for Mainers” si uu halkaasi uga jeediyo ama uga hadlo arimo ku saabsan marxaladda ay Soomaaliya marayso“.

Diidmada dalku-galka Xasan Sheekh, ayaa la sheegay in Safaaradda Maraykanku u cuskatay iyada oo Soomaaliya ay ka mid tahay lix wadan oo Muslim ah, oo maamulka Madaweynaha Marayakan Donald Trump uu ka soo saaray dikreeto taasi oo uu kaga mamnuucay in dalku-gal loo siiyo dadka wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Si la mid ah Madaxweynihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka baaqsaday socdaal uu ku tegi lahaa dalka Sweden kadib markii loo diiday in Visaha Dal ku galka Baasaboorkiisa Diblomaasiga ah loogu dhejiyo.

Tallaabadaas ayaa la sheegay in ay ka dambeysay Safaarada ay dowladda Sweden ku leedahay dalka Tanzania oo aan aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga taas oo keentay in Xasan Sheekh Maxamuud loo diido in Visaha Dal ku galka Baasaboorkiisa Diblomaasiga ah loogu dhejiyo