Uncategorized

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh/Shariif Shiikh Axmed oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Tukeraq.

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey xaaladda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool oo maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa yiri ” waa wax laga xumaado in dhiigga qof muslim ah la daadiyo xilli walba, Bishaan oo kalane kuma sii jirto, waa bil cibaado waa bil tooba keen, waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka socda iyo dhiiga wiilasheyna ee macna darrada ku daadanaya” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Soomaaliland C-wali Maxamed Cali iyo Muuse Biixi Cabdi waxaan ugu baaqayaa in arrintan ay door muhiim ah ka qaataan, si nabad loogu wada noolaado deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

“Waxaan halkan baaq nabadeed uga jeedinayaa masuuliyiinta Puntland iyo Soomaaliland iney joojiyaan dagaalada ku soo laab laabtay Tukeraq, oo ay ku dhinteen dad badan iyadoo ramadaan ah, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan nahay dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne hore Shiikh Shariif Sheekh Axmed.

Xaaladda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool ayaa degan waxaana wali ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa dhinacyada Puntland iyo Soomaaliland, ma jirto dadaalo nabadeed oo hada toos u socda balse waxaa jira warar sheegaya in telephone ay ku joojiyeen dagaalkii socday wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka.