Uncategorized

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo saaka soo gaaray Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo kicitimay magaalada Nairobi oo uu dhowr cisho ka hor uu gaaray.

Sheekh Shariif ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka soo galbiyeen ciidamo fara badan oo sugayay ammaankiisa.

Imaatinka Sheekh Shariif ee Muqdisho ayaa ah markii saddexaad, tan iyo markii ay dhacday doorashadii looga adkaaday bishii February ee sanadkan.

Hase ahaatee imaatinkiisa xilligan ayaa la sheegayaa inay tahay mid ka duwan kuwii hore, waxaa Sheekhu qorsheynayaa inuu si rasmi ah u saldhigto magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow Sheekh Shariif ayaa sheegaya inuu qaban doono shir jaraa’id oo uu uga hadlayo xaalada dalka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiinta dowladda.

Imaanshaha Sheekh Shariif ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, xilli buuq siyaasadeed uu ku furan tahay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana dowladda gil gilay maalmahan xaalado ka dhashay dhacdadii Bariire iyo dhiibitaankii C/kariin Qalbi Dhagax oo todobaad ka hor loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.