Kismaayo-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay inaan la gaarin waqtigii ay Soomaaliya Siyaasad kula midoobi laheyd Itoobiya balse ay suurta gal tahay in arimaha dhaqaalaha iyo masaalix kale lagala hadlo.
“ma joogno waqtigii aan Itoobiya kula midoobi laheyn Siyaasadda iyo in gobalka yeesho hal madaxweyne maxaa yeelay wali annaga ma sal dhigan waa in marka hore arimaheyna xalinaa Islamarkaana aa noqono dowlad sal adag oo miinsaankeedu adagyahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud.
Xasan Shiikh oo ka qeyb galayey Barnaamij ka baxayey Telefishin ku hadla afka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Soomaalida ay u baahan yihiin in marka hore ay arimahadooda xalistaan oo ay noqdaan dad iyo dal leh siyaasad iyo go’aano dag markaas kadib ay ku biiri karto siyaasadda gobalka iyo in hal madaxweyne geeska africa uu yeesho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay Itoobiya kala midoobi doonto Arimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo danaha labada dal islamarkaana ay door weyn ku leedahay isbadalada ka socda geeska Africa.


