Somali News

Madaxweynihii hore ee Ukraine oo la diiday in xabsiga la dhigo

Garsooraha Maxkamad ku taalla Ukraine ayaa diiday in xabsiga loo taxaabo Madaxweynihii hore ee dalkaasi Petro Poroshenko oo Xeer ilaalinta ku soo eedeysay kiis khiyaano qaran ah. 

Garsoore Oleksiy Sokolov ayaa sheegay in Poroshenko maxkamada hor imaanayo markii ay maxkamadu codsato, si loo dhageysto eedaha loo heysto.

Poroshenko ayaa laga baarayaa inuu galay khiyaano qaran, kiis ah in uu maalgeliyay dagaalyahannada gooni u goosadka ee Ruushku taageerayo ee iibiya dhuxusha sharci darrada ah sannadihii 2014-15.

Poroshenko, oo 56 jir ah, oo soo noqday madaxweyne intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2019, ayaa lagu sameeyay baaritaan ku saabsan khiyaano qaran, wuxuuna ka tagay Ukraine bishii Disembar.