Somali News

Madaxweynihii hore oo guul ka soo hooyey doorasho ka dhacay dalka Tanzania

Madawaynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa ayaa markale ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaasi.

Xisbiga mucaaradka ee wadanka Tanzania ayaa ka kasoo horjeestay doorashada iyagoona sheegay in ay tahay mid lagu shubtay.

Gudiga qaran ee doorashooyinka ayaa dhankooda waxba kama jiraan ku tilmaamay in doorashada lagu shubtay.

Sidoo kale gudiga ayaa sheegay in madaxwaynaha uu ka helay 84% doorashadii dhacday halka hogaamiyaha mucaaradkana uu helay 13%.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Daru-Salaam ayaa dhankeeda walaac ka muujisay doorashadii ka dhacday dalkaasi iyadoona sheegtay in ay wiiqayso rajadii laga lahaa dimoqoraadiyada.