Somali News

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo baaq soo jeediyay

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano katirsan Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku cambaareeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xeraale iyo Cadalle ee Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud kuwaas oo ay ku dhintayn ku dhowaad 100 qof isku darkooda.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

“Waxaan ka codsanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka Galmudug iyo dowladdaba in colaaddaas laga hortago, walaalaha is haya nabad la kala dhex dhigo”, ayuu hadalkiisa raaciyay Shariif Sheekh Axmed

Sidoo kale colaadda Shabeelaha dhexe ayuu ka hadlay Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayuu sidoo kale ka tacsiyeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

“Ugu horeyn waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya qayba kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe in ay shuruud la’aan colaadda u joojiyaan, islamarkaana gartaan in dagaal uusan faa’iido u lahayn dadka wada dhashay ee ehelka ah iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed

“Marka labaad waxaan bogaadinayaa dadaallada Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe ka socda ee ah in colaaddaas laga hortago, dadka walaalaha ee wax kala tabanaya khilaafkooda lagu xaliyo is afgarad iyo is qancin”, ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed